(Washington, DC) 04 Jan 2021 – 3 maalmood uun kaddib markii ay Maraykanku iclaamiyeen in markabka USS Nimitz uu ka tegayo Gacanka Beershiya, ayuu Pentagon-ku go’aankaa ka laabtay, isagoo sheegay in uu kusii sugnaanayo Bariga Dhexe kaddib ”hanjabaadda Iiraan” ee ka dhanka ah MW Donald Trump.
Amarkan ee sii joogista ayaa kasoo fushey Wasiirka KMG ah ee Gaashaandhigga Maraykanka, Chris Miller, kaasoo ku gooddiyey inaan “cidina shaki gelin karin awoodda Maraykanka” mar uu war gaaban soo saaray.
Esmail Ghaani, taliyaha Ciidanka Quddus ee ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga Iiraan (IRGC), ayaa shalay ku gooddiyey inay u aargudi doonaan Qasem Soleimani oo ay Maraykanku khaarajiyeen maanta oo kale sanad kahor.
Warka Ghaani ayaa yimid xilli uu ka hadlayey munaasabad ay agaasintey Jaamacadda Tehraan, taasoo lagu maamuusayey sanad-guuradii 1-aad ee dilkii Qasem Soleimani oo hayey isla xilka Ghaani, kaasoo la toogtey Jannaayo 3, 2020.
Wuxuu sheegay in “khaarajinta Soleimani aysan ka hari doonin Ciidanka Quddus”, balse xitaa Maraykanka gudihiisa ay joogaan dad doonaya inay ka bilaan kuwa dembigan gaystey, sida uu yiri.
Yeelkeede, kahor hanjabaadda Iiraan wuxuu Miller sheegay in markabka dayuuradaha xambaara ee Nimitz iyo raxanta la socota ay ku laabanayaano Bremerton, Washington, kaddib 10-bilood oo ay wareegayeen badaha caalamka, taasoo ka badan waqtiga caadiga ah ee howlgalka, taasoo ay saxaafadda Maraykanku ku micnaysey mid lagu fiyuus bixinayey xiisadda.
MW Iiraan, Hassan Rouhani, ayaa xitaa saadaaliyey in Trump ay qabsanayso sidii ku dhacday Saddam Hussein, isagoo ku farxay in doorashada looga adkaaday isla markaana sheegay in uu geli doono “qashin-qubka taariikhda.”
Hadalsame Media