
(Geneva) 31 Dis 2020 – Somalia ayaa 1-da bishan oo berri ku beegan ku biiraysa Golaha Xuquuqul Insaanka QM, balse arrintaa lama soo wada dhowaynin, iyadoo uu qarreen caan ihi uu Somalia ku daray 10-ka talis ee ugu liita ee golahaa ku biiraya.
Hillel C. Neuer oo ah qarreen Canadian ah iyo qoraa, isla markaana Agaasime ka ah UN Watch, oo ah NGO xuquuqda insaanka ka shaqeeya oo QM ka tirsan oo saldhigta Geneva, Switzerland
”10-ka Talis ee ugu Xun ee fariisanaya kuraasida Golaha Xuquuqul Insaanka QM 1-da Jannaayo 2021 ayuu ku sheegay liiska hoos ka muuqda oo ay Somalia ku jirto, Somalia ayaa waxaa ka jira tacaddiyo badan oo xuquuqda insaanka ah, midda madaniga ah iyadoo ay gebi ahaanba maqan tahay cadaaladda bulshadu:
Pakistan 10.
Mauritania 9.
Cameroon 8.
Somalia 7.
Russia 6.
Libya 5.
Cuba 4.
Eritrea 3.
Venezuela 2.
China 1
Hadalsame Media