
Xubno uu ka mid ahaa RW, Maeen Abdulmalik Saeed, ayaa iyaga oo bed qaba loo dhigay dhanka Madaxtooyada, sida ay goobjooggu sheegayaa, welise xog hufan lama hayo.
“Waxaa 2 qarax la maqlay xilli ay Golaha Wasiirradu kasoo degayeen dayuuradda.” Ayuu yiri weriye ka tirsan AFP.
Ilo amaan ayaa sidoo kale AFP u sheegay inay dhaawacyo badani jiraan balse midkoodna ugama jiro madaxda dowladda ee soo degtey.
Dowladda la aqoonsan yahay ee Yaman iyo gooni goosad doonka Yamanta Koonfure ee STC ayaa 18-kii bishan dowlad midnimo qaran ah ku samaystay Sucuudiga, iyadoo markii la dhaariyey usoo dhoofay dhanka Cadan.
Dowladdan oo ka horjeedda Xuutiyiinta oo 2014 qabsaday caasimadda Yaman ee Sanca ayaa ka kooban 24 Wasiir waxaana MW u ah Abd Rabbuh Mansour Hadi oo Riyaad deganaa tan iyo 2014-kii.
Dagaalka 5ta sano ka socda dalka Yaman ayaa waxaa ku dhintay kumannaan kun oo rayid ah halka ay ku barakeceen malaayiin kale oo rayid u badan.
Hadalsame Media