”Marna dagaal ha isku dayin!” – Faransiiska oo soo saaray baaq si dadban u taageeraya Turkiga

0

(Paris) 29 Dis 2020 – Faransiiska ayaa u muuqda u muuqda mid bedeley mowqifkiisa ku aaddan Hoggaamiye Kooxeedka Khaliifa Xaftar oo ay ugu baaqeen inuu “ka fogaado soo celinta colaad cusub” oo ka bilaabata dalka Libya ee ay dagaalladu halakeeyeen.

“Libya uma baahna xal millateri. Muhiimaddu waa dhaqan-gelinta xabbad joojintii 23-kii Okt., 2020, taasoo dhigaysa inay dalkaa ka baxaan ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqaystayaasha.” ayuu yiri Afhayeen Xigeenka WAD Faransiiska.

Waxay Faransiisku dhinacyada GNA iyo LNA ugu baaqeen inay dhanka kale ku dadaalaan hirgelinta doorashada ay go’aamiyeen Madasha Siyaasadeed ee Libya ee la muddeeyey 24-ka Diseembar 2021-ka, taasoo ay taageerayso QM.

Warkan Faransiiska ayaa soo baxaya xilli uu Xaftar u hanjabey ciidamada Turkiga dalkaa ka jooga kuwaasoo taageera dowladda ay QM aqoonsan tahay ee GNA.

Faransiiska ayaa waloow uu warkiisa ku xusay inay dalkaa iskaga baxaan ciidamada shisheeye misna loogama baran Faransiiska inuu sidan uga soo horjeeso Xaftar oo uu ku jiro dalalka taageerayey iyo sidoo kale inuu soo saaro war u muuqda mid si ahaan u dhow moowqifka Ankara.

Hadalsame Media