Turkiga oo diyaarinaya gantaal markab & gujis dile ah oo xitaa lagu xiri karo dayuuradaha + Sawirro

0

(Ankara) 27 Dis 2020 – Sharikaadka agabka ciidanka ee Turkish-ka ah oo sanadkan 2020 dunida wacdaro ka dhigayey ayaa u muuqda kuwo si wanaagsan ku macasalaamaynaya, iyagoo ku dhawaaqay mashaariic dhowr ah oo cusub.

Guddoonka Iskaashatada SSB, Ismail Demir, ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan samaynta gantaal-badeedka gujiska iyo maraakiibta dila ee Torpedo kaasoo Ciidanka Badda Turkiga ka caawinaya baahida ay u qabaan Torpedo Cufkeedu Fudud yahay (LWT).

Iskaashatada SSB ayaa sheegtay in gantaalkan ay naqshadaysay isla markaana ay farsamaynayso sharikadda Roketsan oo ku samaynaysa magaca Orka, iyadoo ay qandaraas hoosaad mashruucan ku leedahay camaaliqada gaashaandhigga ee Aselsan.

Mashruucan ayaa meesha ka saaraya baahida Turkey oo haatan dibedaha kasoo iibsada gantaalaha LWT, iyagoo ka maarmi doona kuwa uu Maraykanku sameeyo ee MK46, iyo MK54 LWT.

Orka ayaa lagu xiri karaa dayuuradaha qumaatiga u kaca, maraakiibta ciidanka roondada xeebaha iyo mustaqbalka oo lagu xiri doono dayuuradaha is wada ee daroonnada (UAV).

Hadalsame Media