(Tripoli) 27 Dis 2020 – Ciidamo daacad u ah hoggaamiye kooxeedka reer Libya ee Jen. Khalifa Haftar ayaa sheegay inay bartilmaameedsan doonaan Ciidanka Turkiga ka jooga Libya, kaddib markii sidaa lagu amray, balse Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, ayaa ku gooddiyey inay taasi ay ”bartilmaameed sharci ah” ka dhigayso Ciidanka LNA ee Xaftar.
“Haddii ay tillaabo noocan ah qaadaan, ma heli doonaan meel ay ku cararaan. Qof kasta waa inuu caqliga ka shaqaysiiyaa.” ayuu yiri Akar oo Xaftar ku tilmaamay dembiile dagaal iyo dilaa.
Akar oo booqasho aan lasii ogayn shalay ku tegey Libya ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jiro xiriir 500 oo sanadood ah oo ka dhexeeya labada dal, isagoo ku faanay in Ankara ay taageero u muujisay dowladda Tripoli ee GNA xilli ay dunidu dayrisay, taasoo uu ku tilmaamay dowladda rasmiga ah ee Libya.
Wuxuu sheegay in Xaftar iyo kuwa taageeraya ay yihiin dhibaatada maanta hor taalla Libya, isagoo dul istaagey in 21 xabaal wadareed laga helay magaalada Tarxuuna, taasoo uu sheegay inuu yahay xasuuq ay dunidu weli ka aamusan tahay.
Taageerada Turkiga, gaar ahaan daroonnadiisa casriga ah, ayaa meel wayn uga soo baxday Dowladda GNA oo iska caabisay welibana markii dambe cayrsatey ciidanka LNA oo soo weeraray Abriil 2019, waxaana Xaftar hoosta ka riixaya dalalka Russia, France, Egypt iyo UAE.
Xaftar ayaa dorraad Turkiga usoo jeediyey inay ”si nabad ah uga baxaan ciidda Libya ama ay wajahaan dagaal uga yimaada ciidankiisa LNA.”
Hadalsame Media