Arrin ay horay usii sheegtay DF Somalia oo ka muuqan waydey furitaankii kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee IGAD

0

(Jabuuti) 20 Dis 2020 – MW Somalia, Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa markii ugu horreeysey maanta kulmay tan iyo markii ay Somalia sheegtay inay xiriirka u jartay Kenya.

Waxaa markiiba soo baxay sawirka madaxda oo ay wehlinayaan kuwa Itoobiya iyo Jabuuti oo fadhiya kulan ay albaabbadu u xirnaayeen oo saxaafadda laga saaray, lamana oga in kulanku ku saabsanaa xiisadda labada dal iyo inuu yahay kulanka guud.

Dhanka kale, Somalia ayaa todobaadkii tegey waxay sheegtay inay ashtako rasmi ah u gudbisey Guddoonka IGAD, Abdalla Hamdok, si arrintan looga wada hadlo.

Ha yeeshee, furitaankii kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee 38-aad ee IGAD, wuxuu Hamdok ka gaabsaday inuu soo hadal qaado xiisadda Kenya-Somalia isagoo diiradda saaray xiisadda South Sudan iyo khilaafka Ethiopia.

Waxaa la wada dhowrayaa War Murtiyeedka kal-fadhiga oo lagu wado inuu soo boxo kaddib dhamaadka shirka, iyadoo aanay weli wax cusubi kasoo bixin dhanka Somalia-Kenya.

Hadalsame Media