”Waddamo badan siyaasigu wuxuu dejiyaa qorshaha dalkiisu ku noolaanayo sanado uu ogyahay inuusan isagu xilka hayn doonin”

0

(Hadalsame) 18 Dis 2020 – waxaa jira samaysta qorsheyaal soddon sano ah. Madaxdoodu waa ogyihiin inaanay noolaan doonin ama siyaasadda ku jiri doonin waqtigaas marka qorshahaas kuma daraan wax iyaga iyo siyaasaddooda dan u ah.

Fekerka qorshahaas waxaa lagu saleeyaa baahiyaha dadka waqtigaas jiri doona.Siyaasigu waa macallin. Mucaarad iyo xukuumad siday u dhaqmaan ayaa jiilka dambe u dhaqmi doonaa.

Hadday kaa bartaan inaad dantaada wixii ah ku sheegtid sharci oo xoog iyo xeel isugu geysid sidaad ku heli lahayd ama ku joogi lahayd kursiga, sidaas ayey iyaguna yeeli doonaan.

Haddaad jeceshahay in soddon sano ka dib Soomaalidu ka fiicnaato waddamada kale oo ilmaheennu helaan nolol teenna ka fiican, oo aanay marti iyo masaakiin u noqon ilmaha waddamada deriska nala ah, hadda si qurxoon u dhaqan.

Hadda ficilkaaga wax ku bar. Kala saar dantaada iyo wixii dan guud ah. Intaadan kala saarin horta kala baro. Hunguri hadda kuu muuqda yaanu kaala weynaan sharaf aad gadaal ka heli doontid.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media