29.9 C
Mogadishu
Monday, March 10, 2025
Home Arrimaha Caalamka ”Waan ku faanayaa sidii aan Muqdisho idiinkugu laynay xilligii Black Hak Down!”...

”Waan ku faanayaa sidii aan Muqdisho idiinkugu laynay xilligii Black Hak Down!” – Askari Maraykan ah oo cunsuriyad qaawan kula kacay dhallinyaro Soomaali ah (Daawo)

0

(Minneapolis, MIN) 18 Dis 2020 – Waxaa soo baxaysa ruug caddaa 24-sanadood ka tirsanaa Booliiska Minneapolis Police Department oo dhallinyaro Soomaali ah ugu hanjabaya inuu lugaha ka jejebin doono haddii aysan la shaqayn iyadoo uu haatan soo shaac baxay shilkan oo dhacay Maarso 2015-kii.

“Haddii aad nac nac iila timaadaan, lugaha ayaan idinka jejebinayaa inta aydnaanba cararin,” ayuu sarkaalka oo la yiraahdo Roderic Weber ku leeyahay 4 dhallinyaro ah oo Soomaali Maraykan ah. “Anigu ma kaftamo,” ayuu raacinayaa.

“Ma ii sheegi kartaa sababta la ii xirayo?” ayuu waydiinayaa wiilasha midkood.

“Maxaa yeelay aniga ayaa doonaya inaan ku xiro,” ayuu si fudud ugu jawaabayaa Weber.

“Waxaad tahay cunsuri walaal,” ayuu leeyahay wiilasha midkood.

“Aahey, weliba waan ku faanayaa,” ayuu ku af celinayaa Weber.

In yar kaddib wuxuu Weber u yeeranayaa booliis xoojin ah waxaana damaysa kaamirada dashcam-ka, balse waxaa imanaya booliiska jardiinooyinka Minneapolis Park Police, kuwaasoo ay kaamarooyinkoodu shaqaynayaan.

“Ma xusuusataan wixii dhacay xilligii Black Hawk Down markii aan layney in badan oo dadkiinna ah? Taasna waan ku faanayaa,” ayuu leeyahay sarkaal Weber oo sheegaya in haddii ay markaa wada layn lahaayeen Soomaalida aysan iyagu xilligan halkan joogeen.

Black Hawk Down waa film laga sameeyey dagaal 3-dii Oktoobar 1993-kii taageerayaashii Jen. Caydiid iyo Maraykanka ku dhexmaray qayb ka tirsan Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, halkaasoo lagu diley 18 askari oo Maraykan ah oo qaarkood la jiidey iyo 2 dayuuradood oo Black Hawk ah, waloow lagu laayey kumannaan Soomaali ah oo rayid u badnaa.

Shilkan ayaan muddo 5 sanadood ah dadwaynaha lala wadaagin, balse warqaadka Sahan Journal ayaa haatan helay dokumentiyo muujinaya in ay saraakiisha sare ay heleen xogta cunsuriyaddan balse aanay wax dacwad ah xilligaa u gudbin hoggaanka Booliiska Gobolka, waloow markii dambe sanad kaddib la cayriyey.

Muuqaalkan ayaa caro ka dhaliyey guud ahaan Gobolka Minnesota, iyadoo uu Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka faraciisa Minnesota ee CAIR-MN ay dalbadeen in arrintan la baaro, iyadoo sanadihii xigey ay dheceen shilalkii cunsuriyadeed ee Jamar Clark, Justine Damond, Thurman Blevins, iyo George Floyd.

Hadalsame Media