(Nairobi) 16 Dis 2020 – Kenya Airways (KQ) ayaa sheegtay inay duullimaadyo toos ah ku kala bixin doonto gegada ugu wayn Nairobi ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) iyo Hargeisa, marka la gaaro bisha Maarso kaddib heshiis ay kala saxiixdeen MW Uhuru Kenyatta, taasoo loo arkay tillaabo sii hurin doonta xiisadda Nairobi iyo Muqdisho.
“Kenya Airways iyo dayuuradaha kale ee Kenya waxay duullimaadyo toos ah ka dhex bilaabi doonaan Nairobi iyo Hargeisa dhamaadka Maarso.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Kenya.
DF Somalia ayaa aad uga carootey booqashada rasmiga ah ee uu Muuse Biixi ku tegey Nairobi ayaa Talaadadii xiriirka u jartay Kenya, iyadoo ku doodday in Somaliland aanay lahayn sharciyad ay si toos ah ugula xiriirto Kenya. Somalia ayaa sidoo kale ka sheeganaysa faragelin kaga imanaysa Kenya oo dhanka doorashada ah.
Qorshahan ayaa imanaya 5 bilood kaddib markii dayuuradda rakhiista ah ee Kenya laga leeyahay ee Jambojet ay joojiyey qorshe ay iskula xiri lahayd JKIA iyo Muqdisho kaddib markii la waydiiyey lacag badan oo caymis ah, taasoo loo arkay mid lagu naas nuujinayo shirkado kale, laguna diidayo in suuqa tartan loo furo.
Lama oga halka ay mari doonaan dayuuradaha Kenya maadaama ay hawada Somalia xukunto DF Somalia oo sharciyan dacwayn karta dayuuradaha Kenya.
Hadalsame Media