”Haddii uu Webiga Shabeelle toos ugu darsami lahaa Badwaynta Hindiya gobol dhan ayaan webi yeelan lahayn” – Soo jeedin muhim ah

0

(Hadalsame) 11 Dis 2020 – Webiga Jubba toos ayuu u galaa badda oo waddanka in badan kuma leexleexdo. Laakiin Shabeelle markuu badda u dhawaado ayuu midig u leexdaa oo dhul aad u badan waraabiyaa.

Haddii Shabeelle toos badda u geli lahaa gobolka Shabeelaha Hoose webi ma lahaan lahayn.

Haddii aqoonyahan iyo dawlad wanaagsan is helaan, ma dhici kartaa in Jubba si aan dhib keenin loo leexleexiyo oo dhul ka badan kan uu hadda biyaha siiyo la sii mariyo?

Hammi, qorshe iyo xoogaa yar oo waalli ah inay guulaystaan waa laga yaabaa.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media