”Warkaas qar iska tuurka ah waa eedi doontaan!” – North Korea oo ka xanaaqdey war kasoo yeerey South Korea

0

(Pyongyang) 07 Dis 2020 – Kim Yo-jong ayaa furka ku xoortay dalka South Korea gaar ahaan diblomaasiyadda ugu sarreeysa oo shaki ka muujisay sababta aan hal kiis oo Covid-19 ah looga sheegaynin dalkaasi, iyadoo ka digtey in ”hadalkaa qar iska tuurnimada” ihi uu sii xumayn doono xiriirka baaba’san ee labada dal.

Yo-jong oo la dhalatay Kim Jong-un, isla markaana saamayn ballaaran ku leh xayndaabka hoose ee siyaasadda dalkaasi, isla markaana warkeeda muddo la waysnaa wararka qaarna ay xitaa reer Galbeedku ku sheegayeen inay geeriyootey ayaa mar qura maanta soo baxday.

“Waa kelmad aan laga fiirsanin cawaaqibta ka dhalan karta ee sii xumayn karta xiriirka woqooyiga iyo koonfurta,” ayay tiri Kim oo ay xigatey KCNA.

Warkan ayaa jawaab u ahaa hadal ay sheegtay Wasiirad Dibadeedka South Korea ee Kang Kyung-wha oo todobaadkii hore iyadoo ka qayb geleysey shir amaan oo ka dhacayey Baxrayn ka sheegtay in Pyongyang ay markii uu karoonuhu yimid ay sidii hore “ka xirxiran tahay”.

“Weli hal kiis lagama soo sheegin, taasoo ay adag tahay in la rumaysto, waayo dedaalladda ay wadaan waxay ku fooggan yihiin la dagaallanka Covid-19.” ayay titri Kang oo sheegtay in Pyongyang ay dhuumanayso iyadoo dhabarkeedu muuqdo.

Hadalsame Media