”Waan tiraynaa wixii aad soo geliso!” – Youtube oo ka daba qaatay MW Donald Trump

0

(San Bruno, CA) 09 Dis 2020 – Waloow aysan Maxkamadda Sare ee Maraykanku aanay weli go’aan kama dambayn ah ka gaarin, misna YouTube ayaa ku dhawaaqday inay saari doonto “muuqaal kasta” oo doorashada Maraykanka ku tilmaamaysa mid been abuur ah oo lagu shubtay.

Talaadadii shalay ayaa ugu dambeysey maalintii loo qabtay inay gobolladu xaqiijiyaan codadka laga dhiibtey gobol kasta.

MW Donald Trump ayaa weli quud darraynaya in Maxkamadda Sare ay waxba kama jiraan kasoo qaaddo guusha Joe Biden, balse YouTube ayaa sheegay in doorashadaa lagu kala baxay.

“Waxaannu bilaabi doonnaa inaan saarno gabal kasta oo muuqaal ah oo maanta laga bilaabo lagu soo dalloco Youtube oo doorashada Maraykanka ku sheegaya been abuur.” ayaa lagu yiri muuqaal mar dhow kasoo baxay Youtube.

Hadalsame Media