”Nama gadan kartaan!” – Taageerayaasha ugu Muslimka neceb adduunka oo kasoo horjeestey nin Muslim ah oo iibsadey kooxdooda

0

(Quddus) 08 Dis 2020 – Hamad Bin Khalifa Al Nahyan, oo xubin ka ah qoyska xukuma Abuu Dabeey, ayaa saami dhan 50% ka iibsadey naadiga reer Israel ee Beitar Jerusalem, oo taageerayaashiida lagu yaqaanno Muslim nacayb gaamuray.

Heshiiska ayaa lagu dhameeyey 300m oo shekel (qiyaastii $92m oo doollar) oo lagu bixinayo muddo 10 sanadood ah, waxaana heshiiskan dallaal ka ahaa Naum Koen, oo ah ganacsade Ukrainian ah oo asal Yuhuudi ah oo ka ganacsada Imaaraadka.

Milkiilaha Beitar ee Moshe Hogeg ayaa Dubai tegey 3-dii Diseembar isagoo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee naadiga Moni Brosh iyo Guddoomiyaha Eli Ohana, si heshiiska loosoo af jaro.

TAAGEERAYAAL CARAYSAN – Waloow ay kooxdan oo wajahaysa dhibaatooyin dhaqaale ay u aayayso dhaqaalahan faraha badan ee lagu maalgelinayo iyadoo heshiiska ku tilmaantay mid taariikhi ah, misna taageerayaasha cunsuri ah ee kooxdaasi ayaa qoraallo aflagaaddo ah ku buufiyey gidaarrada garoonka Beitar Jerusalem, sida: “Carabtu ha dhimato”, “Nama gadan kartaan”, “Hanna soo gelinina”, iyo kuwo kale oo aynaan xusi karin.

Yeelkeede, maamulka kooxda ayaa boor wayn surey garoonka Beitar Jerusalem, kaasoo lagu amaanayo Hamad bin Khalifa, iyadoo Twitter-ka Beitar Jerusalem uu soo tweet gareeyey in tillaabadani ay tahay “caddaynta ugu adag ee baahida iskaashi dhexmaraya Yuhuudda, Muslimka iyo dunida Carabta si cunsuriyadda loola diriro”.

Hadalsame Media