DF Somalia oo beesha caalamka uga digtey inay soo farageliyaan doodda kala dhexeeysa Kenya

0

(Muqdisho) 09 Dis 2020 – DF Somalia ayaa diblomaasiyiinta shisheeye u sheegtay inaysan soo dhex gelin muranka haatan ka dhex oogan Somalia iyo Kenya.

Mar uu ka hadlayey soo xiritaanka Madasha Iskaashiga Somalia (SPF), wuxuu Wasiir Dibadeedka Somalia, Mohamed Abdirizak, uu ku dooday in arrintu ay u dhexeeyso labada dal oo qura.

“Marka ay timaado xiriirka aannu la leenahay dalalka deriska ma aha arrin looga doodi karo madashan,” ayuu yiri Wasiirkan cusub.

“Somalia waxay ixtiraamaysaa madax bannaanida geyi iyo dhamaanba dalalka deriska ah.” ayuu daba dhigay.

Yeelkeede, Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Nicolas Berlanga, ayaa ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo, isagoo ka digey in la sameeyo ‘baaqyo caadifadaysan’ oo ka kala yimaada Somalia iyo dersaanteeda.

Waloow ay Kenya muddo badan faragelin waddey misna tillaabooyinkan cusub ayay dad badani u fasireen kuwo ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aan imaanin xilligii ay ku  haboonaayeen.

Hadalsame Media