(Tehraan) 08 Dis 2020 – Waxaa baraha bulshada ku faafay sawirka baannar iyo calanka Israel ay ku qoran tahay “Mahadsanid Mossad” oo la saaray buundo ku taalla magaalada Tehraan, kaddib khaarajintii caalimkii nukliyeerka Iiraan ee Mohsen Fakhrizadeh madaxii Mashruucii Amad, kaasoo lagu eedeeyey Israel.
تصاویر دریافتی با شرح: تهرانپارس، #تهران #Iran
زیر پرچم اسرائیل نوشته شده “Thank you Mossad”ویدیویی هم فرستادند:https://t.co/aT5n2vkYNr pic.twitter.com/GDKzn3aYXs
— Vahid Online (@Vahid) December 7, 2020
Boorkan ayaa la saaray buundo ku taalla xaafadda Pars ee caasimadda Iiraan, waxaana bilowgii faafiyey Twitter-ka Vahid Online, iyadoo ay xaqiijiyeen Intelli Times oo arrimaha sirdoonka ka hadla oo sheegay inuu muuqaalku yahay mid asli ah marka la eego gawaarida jidka mareeysa iyo iidhehda Kalleh Dairy ee ka dambaysa boorka oo muuqaalka laga arkayo.
Xeerka Iiraan ayaa mamnuucaya in la soo bandhigo calanka Israel, astaamaha iyo wax kasta oo shacaa’ir ah oo iyada la xiriira, iyadoo intaa oo qura dad loo xirey ama loo toogtey hadda kahor.
Arrintan ayaa loo badinayaa inay ka dambeeyaan kooxo ka horjeeda nidaamka ka jira dalkaasi oo iskugu jira isbedel doon qaar liberaal yihiin, qaar muxaafidiin ama asal raac hore yihiin, waxaa kale oo ka dambayn kara canaasiir ku xiran dalal shisheeye oo arrintan u adeegsanaya bahdil ay ku samaynayaan qabka Iiraan oo weli leef leefaysa haarta xanuunka badan ee dilkii Mohsen Fakhrizadeh.
מדהים. מישהו החליט להצדיע ל”מוסד” הישראלי באמצעות דגל וכרזה על פוסטר באחד מהגשרים מעל אחד הרחובות בטהראן. pic.twitter.com/zmSYxjTz7o
— אינטלי טיימס – Intelli Times (@IntelliTimes) December 7, 2020

Hadalsame Media