DAAWO: Koox Falastiini ah oo iyaga oo Imaaraati iska dhigaya ku lugeeyey jidadka Tel Aviv & wixii ay la kulmeen

0

(Tel Aviv) 08 Dis 2020 – Dadka Falastiiniga ah ee haysta dhalashada Israel ayaa inta badan dalkaa kala kulma cadaawad, soocid iyo shaki, balse hal koox oo dhallinyaro ah soo dhowayn aan caadi ahayn kala kulmay Yuhuudda; kaliya uun kaddib markii ay isu ekeysiiyeen Imaaraati.

Waxaa faafay muuqaalka dhallinyaro Falastiini ah oo kasoo jeeda magaalada Kfar Qassem oo ka mid ah magaalooyinkii laga cayrsadey dadka Falastiin wareegaysa jidadka Tel Aviv , waxay soo xirteen dharka ay caanka ku yihiin Imaaraatigu sida dishdasha iyo ghutra, oo ah khamiis iyo cimaamad cad.

“Qof katsa wuxuu u socdaa Dubai, waa nimid oo annaga ayaaba Dubai iska dhignay. Markaasay nagu soo xoomeen iyagoo moodaya inaan ka nimid Dubai,” ayuu yiri midkood, isagoo muujinaya sida ay uga boollaysteen dadka Yuhuudda ah.

Dhanka kale, dadka Imaaraatiga ahaa iyaguna taga meelaha ay haysato Israel oo joogistooda u adeegsanaysa maanafeeysto siyaasadeed, waxaana todobaadkii hore horraantiisa halkaa tegey heesaaga Imaaraatiga ah ee Walid Al-Jasem oo isaga oo ay ilaalinayaan Booliiska Israel booqday Masjidka Al-Aqsa Mosque.

Hadalsame Media