
(Dubai) 06 Dis 2020 – Imaaraadka Carabta ayaa weerar dhanka internet-ka ah lagu qaaday kaddib markii ay la heshiiyeen Israel, sida uu sheegay madaxa amaanka internet-ka.
Sida ay qortay Reuters bishii Agoosto markii ay Imaaraadku la heshiiyeen Israel ayay sheegeen inay kooxo gayfanayaal ihi weerar kusoo qaadeen, sida uu sheegay Mohamed Hamad al-Kuwaiti.
Kuwaiti ayaa intaa raaciyey in weerarka lala eegtay hay’aadka maaliyadeed ee Imaaraadka, balse sharraxaad dheeraad ah kama bixinin qaabka iyo cidda rasmiyan weerarkan kusoo qaadday.
Wuxuu se sheegay inay aad u kordheen weerarrada dhanka internet-ka, wuxuuna si guud u sheegay in weerarro badan oo noocan ah oo gobolka ka dhaca ay badiyaa ka yimaadaan dhanka Iiraan, balse ma cayimin cidda gaysata.
Dowladda Iiraan lafteeda ayaa sheegtay inay weerarro kala kulanto dhanka burcadda internet-ka.
Hadalsame Media