Dowladda Faransiiska oo maalmaha soo aaddan ”tillaabooyin ka qaadaysa” masaajidda dalkaasi (18 gaar loo calaameeyey)

0

(Paris) 03 Dis 2020 – Faransiiska ayaa baaritaanno qoto dheer oo aan ”abid horay loo arag’ ku samayn doona ilaa 76 masaajid oo dalkaa ku yaalla, sida uu sheegay Wasiir Gudeedka dalkaasi.

Gerald Darmanin ayaa sheegay in 76-da masaajid ay 16 ka tirsani ku yaallaan Gobolka Paris, halka ay 60 kale ku kala firirsan yihiin daafaha Faransiiska, kuwaasoo uu ballan qaaday in qaarkood albaabada loo laabi doono, gaar ahaan 18 uu gaar u calaameeyey Darmanin.

Sida ku dhigan Le Figaro, wuxuu Darmanin wareegto u kala diray barasaabyada Faransiiska oo uu ku amray in masaajidda la baaro, iyadoo ay arrintani bilaabatay kaddib markii la qalay macallin Samuel Paty oo Oktoobar lagu diley bannaanka Paris.

Darmanin ayaa sidoo kale 3-dii Nof sheegay in ay xireen 43 masaajid 3-dii sanadood ee uu xilka hayey MW Emmanuel Macron oo qura, kaasoo ah nin caddaysta nacaybka Muslimiinta iyo Islaamka.

France ayaa sidaa oo ay tahay ah dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan Yurub, iyadoo uu Islaamku yahay diinta 2-aad ee dalkaa ugu badan, marka laga yimaado Katooligga Roomaanka (Catholicism).

Faransiiska oo ay siyaasiyiintooda midigta fog iyo xitaa kuwa bidixda ah, sida Macron oo saaxada kusoo fuulay aragti liberaal ah, ay nacayb u wada muujinayaan ayaa lagu eedeeyey inay xasaradda taagan uga faa’iidaysanayaan ajendayaal Islaam nacayb ah.

Hadalsame Media