(Hadalsame) 03 Dis 2020 – Kooxdii Loollamaysay (Team of Rivals). William Seward, Salmon Chase, Edward Bates iyo Simon Cameron, waxay ahaayeen afarta nin ee ugu awoodda badan, uguna cadcad xisbiga Jamhuuriga. Waxaana loo saadaalinaayay in midkood noqon doonoo musharaxa sanadka 1860-kii u istaagi doona doorashada madaxtinimada dalka Maraykan (Republican Presidential Candidate).Nimankaas loollan adag baa ka dhaxeeyay, bunna ismay amaahin jirin. Laakiin si lama filaan ah ayaa siyaasi yar oo aan reer Maraykan aad u aqoon, oo ku cusbaa guriga hoose ee Baarlamaanku ku soo biiray loollankii xisbiga dhexdiisa.
Bilawgii waa ay la yaabbanaayeen, oo waxay kor iyo hoosba u dhihi jireen “ninkani wuu soo lug go’ay”. Haa, sababta oo ah afartan nin xisbiga gudihiisa iyo Maraykan oo dhanba waxay ka ahaayeen caan; aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo siyaasadeedna waa ay dheeraayeen Abraham Lincoln. Sidaas awgeed waxay isu arkaayeen inay ka mudan yihiin , oo iyagu yihiin siyaasiyiin xisbiga guul u horseedi kara, kana adkaan kara xisbiga Dimoqraadiga.
Lincolnkii ay yaraysanaayeen waa uu ku guulaystay doorashadii, waxaanu sidaas ku noqday madaxweynaha Maraykanka. Lincoln si lama filaan ah ayuu afartii nin ee ay is hayeen, iyaguna is hayay wasaaradihii ugu waaweynaa u magacaabay, oo Seward waxa uu ka dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda (Secretary of State), Chase na wuxu Wasiirka Maaliyadda (Secretary of Treasury), Cameron wuxu u dhiibay Gaashaandhigga (Secretary of Defense), halka uu Bates u magacaabay Wasiirka caddaaladda ahna Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka (Secretary of Justice and the Attorney General).
Waxa dadweynuhu la yaabeen oo ay aad isu weydiiyeen sababta uu Linclon afartan nin ee sida adag uga soo horjeeday ugu daray golihiisa wasiiradda, oo Joseph Medil oo ka tirsanaa wargeyska The Chicago Tribune, kana mid ahaa dadkii sida weyn u taageersanaa Lincoln ayaa si toos ahba u waydiiyey sababta uu raggan ay is hayeen xilalkaas muhiimka ah ugu magacaabay, isaga oo heli karaayay rag daacad u ah. Lincoln jawaab la yaab leh ayaa uu bixiyay, oo waxa uu yidhi :- “Maaddama oo ay yihiin ragga ugu xirfadda iyo kartida badan xisbiga, saamayn weynna leeyihiin, xaq uma lihi in aan dalkayga ka masuugo, aqoontooda, kartidooda, waaya-aragnimadooda iyo garashadooda sarraysa.”
Abraham Lincoln waxa mar ku wada bilaabmay laba dagaal, mid ay kula jiraan raggan uu u magacaabay xilalkii ugu mihiimsanaa dawladda iyo dagaalkii sokeeyee ee ka dhexeeyay waqooyiga iyo koonfurta. Xitaa iyada oo xaalada dalku meel adag marayso ayaa ay dhowr jeer is casilaad u soo gudbiyeen.
Waa uu se ka diiday isku dayadoodaas. Laakiin raggii u arkayey in Lincoln ay xilka ka mudnaayeen, hoos u eegayey waaya aragnimadiisa siyaasadeed, waxay ugu danbayntii qireen kartida, hoggaaminta iyo dulqaadka Lincoln, waxaanay aakhirkii u noqdeen saaxiibbo dhow oo daacad u ah, iyaga ayaana Lincoln kala dabbaashay dagaalkii sokeeye ee galaaftay ku dhowaad hal malyuun oo qof.
Soomaalidu madax noocaas oo kale ah nasiib umay helin, waxaanay ka siman yihiin cabbanaan, kursi-jacayl iyo la colloobida iyo colaadsiga qof kasta oo qaba aragti tooda ka duwan. Hargeysa nin wasiir ah oo Muuse Biixi ka aragti duwanaan karaa ma jiro. Muqdisona wasiir Farmaajo la doodi kara oo qorshe uu wato ka hor iman kara oo wax ka duwan keeni karaa ma jiro. Xataa qofka muwaadinka ah ee maalin erey meel ku qoray ee aragtidiisa cabbiray ama sawir la galay qof qaba aragti ka soo horjeedda, waxa dhab ah inay la colloobaan oo aanay waxba u dirsan.
Halkay taa beddelkeeda ka baraha bulshada ka amaana, caaya kuwa ka soo horjeeda ee u guulwadeeyana dirsadaan oo ku tisaan xilal mihiim ah.
Ma dhib yara in aad xulato dad kaa aragti duwan, ku dhac leh, aragtiyaha qaar kaa diidi kara, kula doodi kara, oo maya ku odhan kara.
F.G: Kooxdii loollamaysay (Team of Rivals), waa buug uu qoray Doris Kearns Goodwin, oo uu kaga warramaayo geeddigii siyaasadeed ee Abrahm Lincoln oo ah madaxweynihii 16-aad ee dalka Maraykanka, isla markaana ka mid ah madaxweynayaasha loogu jecel yahay 45-kii madaxweyne ee dalkaas soo maray.
Waxaa laga soo xigtey buugga Team of Rivals ee Doris Kearns Goodwin
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Shaafici Cali
Hadalsame Media