Siyaasi ka hadlay sababta keentay in sahal looga adkaado kooxda Tigreega

0

(Hadalsame) 29 Nof 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin oo u dhuul daloola siyaasadaha gobolka Geeska Afrika, ayaa aragtidiisa ka dhiibtey sida looga guulaystey jabhadda Tigreega ee TPL oo haatan u muuqata gabbal sii dhacaya.

”TPLF waxay horay ugu faaneen in dagaalku uu hab nololeed iyaga u yahay. Maxay kaftameen!!,” ayuu yiri Faarax Macallin.

”Waxay u jabeen nooc taariikhda ciidamada ku geli doonta hooyadii guuldarrooyinka oo idil,” ayuu daba dhigay.

Wuxuu isku dayey inuu sidoo kale iftiimiyo sababta ay Tigreegu markii horeba Itoobiya u qabsadeen iyo waxa suurageliyey.

”Waxay soo fuuleen dhabarrada dagaal yahannadii Eritrea si ay uga adkaadaan nidaamkiii DERG-ga 30 sanadood kahor. Hadda waa carari karaan uun!!!” ayuu ku dooday siyaasiga Faarax Macallin.

Hadalsame Media