Sweden oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee iibsada basaska korontada ku shaqeeya ee Turkiga + Sawirro

0

(Ankara) 28 Nof 2020 – Sharikadda farsamaysa gawaarida korontada ee Temsa, oo ay leedahay sharikadda Sabancı Holding, ayaa Sweden u dhoofinaysa basaskeeda casriga ah ee MD9 electriCITY, taasoo noqonaysa markii ugu horreeysey ee ay sharikaddu dibedda u dhoofiso basaskeeda.

Waxay sheegeen in durba 6 ka mid ah basaska Temsa ee lagu sameeyo gobolka koonfureed ee Adana ay marayaan jidadka Sweden, gaar ahaan Degmada Öckerö oo u adeegsan doonta Gaadiidka Dadwaynaha ahaan.

Cevdet Alemdar, oo ah Guddoonka shirkadda Sabancı Holding Industry Group, ayaa sheegay in basaska Temsa ay ka muuqan doonaan suuqyada caalamka, isagoo sheegay in tillaabadani ay muujinayso guushii 1-aad oo caalami ah maadaama ay 50 sano ka shaqaynayeen dalka Turkiga.

“Waa farxad wayn iyo faan in gawaarideennu ay maraan jidadka Sweden,” ayuu yiri.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka wershadaysan ee farsameeyo waxyaabo ay ka mid yihiin gaadiiska, cirka, dhulka iyo baddaba, waxaana dhanka gawaarida ay caan ku yihiin Volvo, Scania, Saab iyo gawaarida qaaliga ah sida Keonigsegg iyo qaar kale.

Hadalsame Media