Maraykanka oo ka digey halista gantaalkii ay tijaabiyeen Ruushka (Wuxuu soo ridi karaa dayax-gacmeedyada isagoo duqayn kara magaalo kasta oo Maraykan ah)

0

(Kazakhstan) 27 Nof 2020 – Ruushka ayaa ku guulaystey tijaabada gantaalaha lidka baalistigga (ABM) oo la casriyeeyey, kaasoo laga ganay goobta wax lagu tijaabiyo ee Sary-Shagan ee dalka Kazakhstan, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Yeelkeede, gantaalka uu shalay Ruushku ku guulaystey inuu tijaabiyo lagu sheegay mid ka halis badan sidii la moodayey, waayo wuxuu awood u leeyahay inuu burburiyo Dayax-gacmeedyada reer Galbeedka iyo in lagu rido magaalooyinka Maraykanka haddii uu lacalla dhaco dagaal nukliyeer.

Jeneraal Andrey Demin, oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka iyo Kuwa Lidka Gantaalaha Baalistigga ee Ciidanka Hawada Sare, ayaa sheegay in tijaabadu ay xaqiijisay baxaalliga ”la isku hallayn karo ee gantaalkan” oo ku dhacay bartilmaameedkii loosii asteeyey, iyadoo laga tuuray markabka dagaal ee Admiral Gorshkov.

Maraykanka ayaa ka digey in gantaalkan oo ah nooca lidka gantaalaha baalistigga (ABM) uu awoodo inuu burburiyo dayax-gacmeedyada reer Galbeedka ee maraya falagga dhow ee hawada sare.

Ruushka ayaa sheegay in gantaalkan oo ah kuwa guuxooda ka dheereeya uu saacaddii oo kaliya jarayo masaafo dhan 6,000 oo km, waxaana la yiraahdaa Zircon, isagoo 8 jeer ka dheereeya guuxiisa, wuxuuna dhulka la simi karaa magaalooyinka waawayn ee Maraykanka waana dookha 1-aad ee hubka uu ugu jecel yahay MW Ruushka ee Vladimir Putin.

Hadalsame Media