(Muqdisho) 26 Nof 2020 – Rag u badan qaar ka tirsan musharrixiinta u taagan madaxtinnimada dalka oo muddo todobaad ku dhow ku shirsanaa Hotel Jasiira ayaa soo saaray War Murtiyeed ka kooban 18 qodob.
Waxay ka digeen inay Madaxtooyadu ku dhaqaaqo tillaabo lagu qabanayo doorasho “aan la isku raacsanayn” iyagoo ku gooddiyey inay markaas iyaguna qaban doonaan doorasho doceed ”dalka lagu badbaadinayo.”
”Waa in dowladda federaalka ay si deg-deg ah uga la soo laabato maamulka sharci darrada iyo ciidamada ay geysay gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu fududaato qabashada doorashada.” ayaa ka mid ah qodobbada kasoo baxay shirka musharrixiinta, waloow aysan ka hadlin gaboodfalka Kenya ee ka dhanka ah madax bannaanida Somalia.
Waxaa qodobbada ka mid ah qaar khuseeynaya maamulka, amaanka iyo aayaha dalka.
1 – In la kala diro guddiyada doorashooyinka heer federaal & heer dowlad goboleed, laguna soo magacaabo wada-tashi ay yeeshaan, madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.
2 – In guddoomiyaha aqalka sare uu sharciyad buuxdo u helo in uu soo magacaabo guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee hagaya doorashada ildhibaannada labada aqal ee gobolada qaqooyi, laguna qabto doorashada xerada ciidanka cirka ee Afisooni, iyada oo ay goobjoog ka noqonayaan wakiilo ka socda musharixiinta, beesha caalamka, booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM.
3 – In magacaabista guddiyada doorashada xubnaha xildhibannada beelaha Baaadiriga loo madax banaaneeyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelahaas, laguna qabto doorashada xerada ciidamada cirka ee Afisooni, goobjoogna ka noqdaan wakiilo ka socda musharixiinta, ceesha caalamka, cooliska Soomaaliyeed & kan AMISOM..
4 – In dowladda federaalka ay si deg-deg ah uga la soo laabato maamulka sharci darrada iyo ciidamada ay geysay gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu fududaato qabashada doorashada.
5 – In Xulista ergada ay iska kaashadaan adayasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee beesha kursiga leh dowrka dowlad goboleedkana ku ekaado diiwaan-gelinta, sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee golaha wadatashiga Qaranka ee uu baarlamaanka wax ka bedelista ku sameeyay.
6 – In dowlad goboleedyada aysan guda-gelin qabashada doorasho aan lagu waafaqsaneyn, una sinaadaan musharixiinta taageerayaashoodana aysan u gaar yeelin musharax gaar ah.
7 – In loo howl-gallo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30 % ah
8 – In la helo kor joogto ka socda, urrurada bulshada rayidka, qareenada, musharixiinta maadaxweyna, beesha caalamka, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka dalka.
9 – In guddoonka & xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan kaalintooda ku aadan ilaalinta ku dhaqan dastuurka KMG ah & dhamaan shucruucda kale ee dalka gaar ahaan qodobada quseeyo doorashooyinka qaranka.
Qodobbada ku aaddan ammaanka doorashooyinka…
1 – In Madaxda dowladda ay ka saaraan dhammaan ciidamada Qalabka sida ku lug yeelashada howlaha doorashooyinka, sida uu dhigayo qodobka 127aad ee dastuurka.
2 – In iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee dastuurka KMG ah uu taliyaha hay’adda nabad-sugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka hay’addaas, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex dhexaadnimada hay’adda NISA.
3 – In amniga doorashooyinka sugaan kaliya Booliska Soomaaliya & kan AMISOM laga fogeeyo Millateriga iyo Nabadsugida.
4 – In uu joojiyo madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo ku tagrifalka dhaqaalaha dalka iyo in uu adeegsqado hantida dalka, xafiisyada dowladda, ciidanka & shaqaalaha ka tirsan dowladda ku daneysiga ololihiisa doorashoyinka.
Hadalsame Media