Sarkaal ka tirsan CIA oo Somalia lagu diley & xogtiisa oo weli la qarinayo

0

(Muqdisho) 26 Nof 2020 – Sarkaal ka tirsan CIA ayaa lagu diley Somalia sida uu sheegay sarkaal sare oo arrintan la socdey. Sarkaalka dhintay ayaa ku dhaawacmay howlgal Somalia ka dhacay isagoo kaddib dhaawacii u dhintay.

Lama sheegin magaca sarkaalka balse waxaa la caddeeyey inuu ka tirsanaan jirey Ciidanka Gaarka ah ee US Navy SEAL.

Geeridan ayaa imanaysa xilli uu maamulka Trump uu qorshaynayo inuu Somalia kala boxo ciidankiisa oo lagu qiyaaso inay gaarayaan 600 oo askari.

Ciidanka Howlgallada Gaarka ah ee Maraykanka ayaa howlgallo la sameeya Ciidanka Xoogga, kuwaasoo ay ka caawiyaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo inta badan dhibaato u gaysata dadka rayidka ah ee Soomaalida ah.

Hay’adda Sirdoonka Dibedda ugu qaybsan Maraykanka ee CIA ayaa ka gaabsatay geerida sarkaalkan, balse New York Times ayaa faafisay dhimashada sarkaalkan.

Yeelkeede, CIA ayaa dhaqan u leh in ay qofkii ka dhinta kusoo darto gidaarka xusuusta ee Memorial Wall kaasoo ay Sebtembar soo tweet garaysay in uu marayey 135 xidigood.

Hadalsame Media