(Lille) 26 Nof 2020 – Daafaca Paolo Maldini ayaa sheegay in uu ‘ka yaxyaxo arrin uu kula kacay’ Diego Maradona kaddib markii uu dib u daawaday muuqaallada kulamadii ay horay u wada dheeleen.
Mid ka mid ah hardankii ugu adkaa ee loo galo Horyaalka Talyaaniga ee Scudetto ee taariikhda Serie A ayaa u dhaxeeyn jirey Maradona oo watey Napoli iyo Grande Milan dabayaaqadii 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii.
Maldini ayaa marar badan raacday El Pibe de Oro isagoo qirtay inay howl adag ahayd in la celiyo cabqarigii kubadda cagta.
“Ma qaban kartid. Waan ag fadhiyey markii la bixinayey Serie A Hall of Fame. Waxaan isu arki jirey daafac nadiif ah balse markii aan muuqaalka daawaday waxaan dareemay inaan khaladaad xun ka galay, marka waa ka raalli geliyey,” ayuu yiri Maldini oo la hadlay Telefoot.
“Wuxuu ahaa nin dheereeya marka waa la darbayn jirey mar kasta. Runtii waan xishooday waana raalli geliyey. Waxaan la yaabay sida dhaqsaha badan ee uu kubadda inta u koontoroolo uu ula jeesan jirey. Caadi ma ahayn.” ayuu raaciyey.
Maradona ayaa shalay dhintay isaga oo 60 jir ahaa.
Hadalsame Media