(Hargaysa) 26 Nof 2020 – Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqul Insaanka Somaliland, Maxamed Baaruud, ayaa ka dhawaajiyey in nidaamka Somaliland uu isu bedeley mid dabaqadeed oo kaliya xabsiyada lagu guro dadka danyarta ah ama kuwa aan mudnaanta lahayn.
Baaruud ayaa sheegay in xabsiyada Somaliland laga sii daayo siyaasiyiin iyo ganacsato iyo wixii iyaga la xiriira kuwaasoo lagu helay dembiyo waawayn sida kufsi, taasoo uu ku sheegay cadaalad darro laga xumaado.
”Dad siyaasiyiin ah oo madax ah iyo ganacsato ayaa iyaga oo ay maxkamado xukumeen oo kufsi lagu cadeeyey la sii daayey. Maxkamadeheennu waxaa kaliya ee ay xukumaan waa uun dadka jilicsan,” ayuu yiri Baaruud oo ka hadlayey munaasabad looga hadlayey dembiyada ka dhanka ah dumarka.
Wuxuu sheegay in marka la eego tirada ugu badan dadka ka buuxa jeelasha Somaliland ay yihiin dad dan yar ah oo aan qarreen loo qaban iyaguna aan qabsan karin, halka kuwa ladan la daba ordayo oo markiiba lasoo furanayo iyadoo ay Wasiirro daba ”ordayaan.”
Hadalsame Media