(Manchester) 26 Nof 2020 – Shukri Cabdi, waa gabar Soomaali ah oo 12-jir ah oo UK timid bishii Jannaayo 2017-kii, balse waxaa bishii Juun ee 2019-kii ku hafatey webiga River Irwell ee magaalada Bury, ee Greater Manchester, iyadoo ay wehlinayeen carruur yar yari.
Gal dacweedka Shukri oo la furay horraantii sanadkan ayaa shalay lagu dhegeystey Maxkamadda Rochdale, waxaana wax laga waydiiyey carruurtii la socotey oo sharciyan aan magacooda la isticmaali karin maadaama ay da’ yar yihiin kuwaasoo loo adeegsado magacyada Child One ilaa Child Four.
Cunugga Koow oo dacwadda uga qayb gashay qaab muuqaal ah, ayaa qirtay inay Shukri oo aan dabaasha aqoonin ay ku riixday biyaha webiga iyadoo ay ciyaalka kale daawanayeen.
“Waxay (Shukri) ku dheganeyd lugahayga. Kaddibna waan ku riixay moolka. Ma aqoonin sida noocaas loogu dabaasho, marka waan riixay. Waxay moodaysey inay iyadu dabaal taqaanno, balse biyaha ayaa liqay mana soo bixin. Waxaan ku qaylinayney Shukri soo bax, soo bax. Waan wada ooyayney annagoo cabsanayna.” ayay tiri Child One.
Ha yeeshee, Gillian Fenton, oo ka mid ahayd howlwadeenkii caafimaad la socdey dhoollida North West Ambulance oo goobta tagtay kaddib markii lasoo wacay lambarka deg degga ah ee 999 isla markaana afarta carruurta ah ku aragtay qarka webiga ayaa tiri: “Qofina uma muuqanin mid murugoonaya ama ku sugan xaalad naxdin leh.”
Waxay intaa raacisay in carruurta aanu midkoodna qoyanayn sidaa darteed ay is waydiinayso in midkoodna isku dayey inuu badbaadiyo Shukri.
Hadalsame Media