Biden oo helay gobol uu Trump codsaday in dib loo tiriyo oo xitaa gacmaha lagu tiriyey (Daawo)

0

(Atlanta) 20 Nof 2020 – Xoghayaha Gobolka Georgia ee Brad Raffensperger ayaa xaqiijiyey in Donald Trump laga badiyey xitaa markii dib loo tiriyey codadkii la qaaday oo xitaa gacanta lagu tiriyey, taasoo ka dhigan inuusan helin 16 cod oo electoral ah oo uu gobolkaasi leeyahay.

“Sida Jamhuuriyiinta kale, waan niyad jabsan ahay in musharrexeennu aanu guulaysanin  Georgia,” ayuu yiri Raffensperger oo ay isku xisbi yihiin Trump, isagoo tilmaamay in qaabka codaynta loo qaaday uu “sax yahay.” 

“Waxaan leeyahay lambarradu been ma sheegaan. Waxaana qabaa inay sax yihiin lambarrada aannu maanta soo bandhignay.” ayuu raaciyey.

Biden ayaa gobolkaa Georgia kula guulaystey in ka badan 12,000 oo cod sida uu sarkaalkani sheegay, wuxuuna sidaa Biden hadda ku haystaan 306 Electoral College, halka uu Trump ka haysto 232.

Hadalsame Media