Qunsulkii Guud ee Faransiiska u joogey magaalo ka tirsan Marooko oo la helay isaga oo mayd ah

0

(Tangier) 19 Nof 2020 – Qunsulkii Guud ee dhowaan loo magacaabay dalka Marooko ee Denis Francois ayaa maydkiisa laga helay Tangier.

Warqaadka Moroccan-ka ah ee Le360, oo soo xiganaya ilo xog xogaal ah, ayaa qoray in Francois uu is diley.

Yeelkeede, booliiska ayaa baaris wada welina si rasmi ah uma baahin sababta dhimashadiisa, iyadoo ay weliba diideen inay geeridiisa ku sababeeyaan is miidaamin.

Sida lagu qoray Le360, 55-jirkan ayaa wajahayey arrimo badan oo khaas ah, isagoo Danjiraha Faransiiska ee Morocco, Helene Le Gal, ka codsaday in xilka laga qaado, todobaadyo yar uun kaddib markii la geeyey Qunsuliyadda Tangier.

France ayaa Denis Francois Qunsuliyadda Tangier u magacaabay Sebtembar 15. Wuxuu bedeleye Thierry Vallat oo 3 sano halkaa joogey.

WAD Faransiiska ayaa sheegtay in ay baarista dhimashada Denis oo sidoo kale qunsul ka ahaan jirey Montreal, Canada min 2004-08, ay la kaashanayso Booliiska Marooko.

Hadalsame Media