”Maba u baahnin hubka Jarmanka!” – Sucuudiga oo ka xumaaday tillaabo ay qaadday Berlin

0

(Riyaad) 16 Nof 2020 – Jarmanka oo xayiraad Sucuudiga ka saaray inay iibsadaan hubka uu farsameeyo ayaa haatan markale ka fikiraya waxa laga yeelayo maadaama ay mudadii hore dhacayso 31-ka Diseembar ee soo aaddan, iyadoo ay Dowladda wadaagga ah ee Angela Merkel ay soo rogtey Maarso 2018-kii.

Sucuudiga ayaa go’aankan cambaareeyey isagoo ku tilmaamay mid aan “waaqici ahayn” isla markaana “khaldan” isagoo hoosta ka xarriiqay in Sucuudigu aanu ”u baahnayn iibsiga hubka Jarmanka.”

Waraysi uu siiyey DPA, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Adel Al-Jubeir, ayaa hoosta ka xarriiqay in sida ay yeeleen dalal badan oo reer Yurub ah ay ”khalad tahay in hubka laga iibinayo Sucuudiga loo joojiyo Dagaalka Yaman dartii”, sida uu yiri.

“Waxaan qabnaa inay khalad tahay maxaa yeelay dagaalka Yaman waa mid sharci ah. Waana dagaal nalaku khasbay,” ayuu ku dooday Al-Jubeir.

Xayiraadda kahor, Germany wuxuu Sucuudiga ka iibiyey hub ku kacay 450 milyan oo euro ($ 550 milyan oo doollar) rubucii 3-aad ee 2017-kii oo qura, sida uu faafiyey warqaadka Jarmanka ah ee Deutsche Welle.

“Waxaan hubka ka iibsan karnaa dalal dhowr ah, marka in la yiraahdo Sucuudi hub ka iibin mayno wax farqi ah noo samayn mayso annaga.” ayuu ku falax gooddiyey Al-Jubeir, waloow uu sheegay in misna uusan doonayn inuu cadaadis saaro Jarmanka.

Hadalsame Media