Taiwan oo durba tabaysa Donald Trump & walaac halkaa ka bilowday (Ogoow sababta)

0

(Taipei) 09 Nof 2020 – Maadaama uu Joe Biden u muuqdo ninka ku guulaystey madaxtinnimada Maraykanka, waxaa durba bilowday walaac ka jira dhanka Taiwan kaasoo ku saabsan waxa ay kala kulmi karaan ninkan cusub ee Dimoqraadiga ah.

MW Tsai Ing-wen ayaa walaacan Facebook uga hadashay iyadoo dadkeeda ku tiri: “wax kasta oo kasoo baxa doorashada Maraykanka, waxaannu sii amba qaadaynaa xiriirka Taiwan-Maraykanka.”

Sababta walaaca ugu wacan ayaa lagu sheegay in MW Donald Trump – oo aan weli guuldarro aqbalin – uu yahay mid ay aad u jecel yihiin Taiwanese-ku, maadaama uu taageero u muujiyey xilli ay cadaadis iyo falax gooddin ka wajahayaan Shiinaha oo u arka jasiirad fallaagowdey oo isaga ka tirsan.

Trump ayaa ahaa MW ugu horreeyey ee jebiya dhaqan soo jireen ahaa isagoo khadka telefoonka ugu hambalyeeyey MW Tsai oo xilka loo dhaariyey 2016-kii, taasoo aad uga caraysiiyey Xisbiga Hantiwadaagga ah ee Shiinaha ka taliya.

Koongarayska labada dhinac ayaa kaddib xoogaystey waxaana 2017kii uu Koongaraysku meel mariyey xeerka Taiwan Travel Act, oo ah in la sahlo isu safarka labada dhinac, waxaana halkaa booqday Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, Alex Azar horraantii sanadkan, wax noqday booqashadii ugu heerka sarreeysey ee uu qof Maraykan ihi jasiiraddaa ku tago muddo 40 sanadood ah.

Afartii sano ee Trump, waxay Washington sidoo kale hub ku kacaya $15bn oo doollar ka iibisey Taiwan iyadoo haatanna ku tala jirta mid kale oo $7bn ku fadhiya oo la ansixiyey Sebtembar, waxaana ka mid ah daroonno casri ah, miigag iyo gantaalaha kuruuska, waxaana mudadaa dhinac socdey xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka oo aad u xumaanayey.

People hold Taiwanese flags as they join others at a rally to mark Taiwan’s National Day, in the Tsim Sha Tsui district in Hong Kong, Thursday, Oct. 10, 2019. A Hong Kong government official said on Thursday that Apple was responsible for removing a smartphone application which allowed activists to report police movements. (AP Photo/Kin Cheung)

Hadalsame Media