Abiy Axmed ma wuxuu u gogol xaarayaa xukunkii Amxaarada oo soo laabta?

0

(Addis Ababa) 09 Nof 2020 – Abiy Axmed Itoobiya waxa uu celiyay hannaankii boqortooyada Amxaarada dadka kalena addoomada u ahaayeen.

Xalay waxa uu wareegto xilalka uga qaaday kuna magacaanay madaxweynayaashii maamullada Oromada iyo Amxaarada. Taasina waxay si caf u jabinaysaa dastuurka Itoobiya ee kala qaybiyay awoodaha dawladda.

Waxay ahayd cabsi dad badan qabeen in Abiy Axmed yahay maqaarsaar Amxaaro rabta in ay xukunkii Xayle Saleese oo kale dib u soo celiso.

Dadka cabsidaas qabay waxaa u badnaa Tigreega iyo Soomaalida oo ah dadka ugu badan ee dhibka wayni ka soo gaarayi noo noqoshada taliskiii Amxaarada.

Tigreegu mar hore ayay ka tashadeen dhimasho ayayna ka doorteen ku hoos noolashaha xukun kii Xayle Selaase oo kale mar labaad.

Balse Soomaali maryooleyda uu Cagjar hoggaamiye waxay u muuqdaan in ay caaddifad iyo aragtigaabni dhexmaquurteen oo wiilashii Soomaaliyeed u dhiibayaan hub xukunkii Xayle Selaase ku soo noqdo kaas oo dhibbanihiisa koowaad noqon doono isla wiilashaas Cagjar Tigray u daabbulayo.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media