DEG DEG: Trump oo diidey natiijada doorashada & dacwo uu ku gooddiyey xilli ay dabbaaldegyo ka bilowdeen New York (Daawo)

0

(Sterling) 07 Nof 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa diiddan inuu aqbalo in uu ka badiyey Joe Biden oo noqonaya MW 46-aad ee dalkaasi, xitaa kaddib markii ay faafisay Wakaaladda Wararka Maraykanka ee Associated Press iyo dhamaan hilinnada dalkaasi oo uu ka mid yahay midka isaga taageersanaa ee Fox News TV. Biden ayaa helay 273 halka uu Trump ku dhegey 213.

“Xaqiiqadu waxay tahay in doorashadu ay ka fog tahay mid idlaatay. Joe Biden looma sugin inuu gobolka ku guulaystey iskaba daa gobolladii la isku haystey e waxaana wax go’aamin doona sharciga,” ayuu yiri Trump oo war soo saaray.

Wuxuu sheegay in wixii Isniinta ka bilowda ay bilaabi doonaan tillaabooyin sharci ah iyo dacwo toos ah si dib loogu wada tiriyo codadka.

“Beginning Monday, our campaign will start prosecuting our case in court to ensure election laws are fully upheld and the rightful winner is seated. The American people are entitled to an honest election: that means counting all legal ballots, and not counting any illegal ballots,” he said, condinuting to claim there is widespread voter fraud but without evidence.

“Muxuu Biden qarinayaa? Ma nasan doono ilaa qof kasta oo Maraykan ihi uu ka helayo tirin codeen oo daacad ah taasoo ah waxa ay dimoqraadiyaddu dalbanayso.” ayuu raaciyey.

Trump ayaa hadlayey mar uu ku sugnaa meel xeegada lagu dheelo oo uu ku leeyahay Sterling, Virginia, oo 40 daqiiqadood u jirta Aqalka Cad, isagoo MW dooran ku eedeeyey inuu “guul been ah” sheeganayo.

Halkan hoose ka daawo dabbaaldegyo ka bilowday magaalooyinka waawayn ee Maraykanka oo ay ugu horreeyso New York oo ah gobolka uu kasoo jeedo Madaxwaynaha laga adkaaday.

Hadalsame Media