Sucuudiga oo shaqadii ka eryey 16,000 oo Imaam iyo arrin yaab leh oo lagu eedeeyey

0

(Madiina) 05 Nof 2020 – Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Hanuuninta Sucuudiga, Dr. Abdullatif Al-Sheikh, ayaa shaqaalaha wasaaradda, imaamyada iyo wadaadada wax wacdiya uga digey inay ka qayb qaataan dhaqamo musuq ah.

“Shaqaale kasta oo xadgudba, haddii uu Imaam, wacdiye iyo wax kaleba yahay waxaa arrintiisa u kuur gelaya Wakaaladda La Dagaallanka Musuqa ee Nazaaha si looga abaal mariyo falkiisa,” ayuu yiri mar uu shaqaalaha wasaaradda kula hadlayey Madiina.

Al-Sheikh ayaa tilmaamay in uu hadalkani daba socdo kaddib markii shaqada laga cayriyey ilaa 16,000 oo Imaam oo iyaga oo aan wax shaqo ah qabanin wasaaradda bil kasta musharooyin ka qaadanayey, kuwaasoo uu sheegay in qaar kale lagu bedeley.

“Waxaan aragnay wacdiye ku qoran masaajid oo aan shaqadiisii kasoo baxaynin ama Imaam balse mushaarkiisa iska qaadanaya. Xalaal ma tahay in lacagtaas oo kale la qaato?” ayuu waydiiyey.

Wuxuu qof kasta ugu baaqay inuu isi saxo oo is xisaabiyo isagoo ballan qaaday in lagula xisaabtami doono mas’uuliyadaha lagu aaminey.

Hadalsame Media