“Gunnimo ayay nagu tahay in la is xirto dad ganacsi noogu yimid!” – Coldoon oo sheegay in baad loo haysto milkiilaha Astaan TV

0

(Burco) 05 Nof 2020 – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah gayfanayaasha caanka ah ee woqooyigs dalka ayaa aad u dhaliilay xabsiga iyo xukunka milkiilaha Astaan TV.

Coldoon oo hadlayey isagoo ku sugan Degmada Burco si cad u tilmaamay in milkiilaha hilinka Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf, “baad lagu haysto”.

“Reer Soomaaliland Gunnimo ayey nagu tahay in shakhsi deegaankaan ganacsi u yimid la iska xirto oo baad la weydiisto, halka reer Soomaaliland ay si xor ah ugu ganacsadaan Soomaaliya.” Ayuu yiri Coldoon.

Maxkamadda Maroodi Jeex ayaa Cabdimanaan ku xukuntay 5 sano oo xabsi iyo balaayiin shilin oo ganaax ah.

Coldoon ayaa laftiisu wuxuu muddo u xirnaa nidaamka halkaa ka jira oo usii xuub siibanaya maamul kali talis ah.

Hadalsame Media