(Riyaad) 03 Nof 2020 – Dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Mohammed Bin Salman ayaa diidey inuu wax tanaasul siyaasadeed ah u sameeyo dalka Israel si taa biddaalkeeda looga iibiyo dayuuradaha F-35, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Bin Salman ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii uu Sucuudigu go’aansado inuu si rasmi ah u dalbado dayuuradaha F-35, uu si toos ah ugu bareerayo ee aanu heshiisyo qarsoodi ah ku saxiixanynin daaha gadaashiisa, isagoo malaha si dadban ugu dhega hadlaya Imaaraadka.
Wuxuu intaa raaciyey in Sucuudigu uu dayuuradahan ku doonayo isla qaabkii uu ku helay hannaanka raadaarka ah ee bixiya Digniin Cireedka ee loo yaqaanno AWACS iyo dayuuradaha Boeing F-15 sanaddii 1980-kii.
Markii AWACS xilligaa Sucuudiga laga iibiyey waxaa dood furan xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Senet-ka Maraykanka iyo kooxaha u ololeeya Sahyuuniyadda sida AIPAC.
Dhaxal-sugaha MBS ayaa sidoo kale sheegay inuu horraanba MW Maraykanka ee Donald Trump uu ku wargeliyey rabitaankiisa ku aaddan iibsiga dayuuradaha F-35 taasoo uu sheegay inuu aad usoo dhoweeyey Trump.


Hadalsame Media