MW Turkiga oo u mahad celiyey dalal ay Somalia ka mid tahay (Arag dhambaalkiisa)

0
Turkish President Recep Tayyip Erdogan addresses the crowd, who are celebrating the results of the referendum, at the Presidential Complex in Ankara, Turkey on April 17, 2017. (Kayhan Ozer/Anadolu Agency/Getty Images)

(Ankara) 03 Nof 2020 – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa soo saaray dhambaal gaaban oo mahadcelin ah, kaasoo uu ku xusay dalal ay Somalia ku jirto oo uga tacsiyeeyey dhul-gariirkii magaalada Izmir.

Dhul-gariirkan oo ay ku dhinteen ku dhowaad 40 qofood isla markaana ay ku dhaawacmeen dad ka badnaa 900 oo qofood ayuu cabbirkiisu gaarayey 6.6 marka la eego rektarka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dareenka ay u muujiyeen uga mahad celiyey 66 dal oo ay ka mid tahay Somalia oo ku jirtey dalalkii 1-aad ee dhibkaa ka tacsiyeeyey, halka ay qaarkood gargaar u direen Turkiga.

Khasaaraha dhul-graiirkan ayaa saameeyey dhul fidsan 16.54 KM (10 mayl), oo ku teedsan xeebta Bad yarada Aegean Sea.

Hadalsame Media