FALANQAYN: Dhibka & dheefta ku jirta Trump oo 4 sano oo kale MW ka noqda Maraykanka

0

(Hadalsame) 03 Nof 2020 – Aniga aragtidayda, doorashada madaxnimada Maraykanka berri haddii Joe Biden ku guulaysto dalkaa iyo dunidaba wax weyni iska beddeli maayaan. Keliya ka la furfuranka bulsheed ee dalkaa gudihiisa ka socda ayaa dhinmaya.

Waxaa kale oo yaraanaya cabsida la ga qabo qalalaase dhaca, gudo iyo debedba. Yurub oo imika cabbudhsan neefta ayaa ka soo baxaysa, waxaana niyadjab ku dhacayaa xisbiyada garabka midigta oo beryahan kor u socda.

Dhanka kale dawladaha kelitaliska ah ee dunida neefta ayaa jiq ku noqonaysa, sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar. Siyaasadda dunida wax waliba wax ay ku soo noqonayaan sidii ay ahaayeen 2016.

Haddii se Donald Trump guulaysto mahadhooyin badan baa dhici kara, waayo tallaabooyin uu afartii sano ee hore ku dhiirran waayay, kol haddii uu doorasho labaad naawilayay, imika wuu ku dhiirranayaa.

U gu horrayn waxaa xoogaysanaya fikirka ku dhisan sarraynta caddaanka iyo xagjirka Maraykannimadu la weyn tahay. Waxaa ka la tagaya dabaqadaha bulsheed ee dalkaa oo isirnimo ku salaysan. Waxaa daciifaya sharciga iyo sinnaanta, dimuqraadiyadduna waa ay sii dhaawacmaysaa.

Arrimahaasi wax ay abuuri doonaan fadqalallo iyo loollan ilaa suuqyada iyo waddooyinka la isku laayo, sidii waagii uu socday Civil Rights Movement. Dhanka debedda, haddii Trump soo noqdo wax uu sii dardar galinayaa bililiqaysiga dalalka itaalka daran, hanti aad u badan oo baad ah ayuuna Maraykanka ku soo shubayaa.

Qisada Falastiin meesha waa ay ka baxaysaa, wax ayna ku dambaynayaan in ay noqdaan shacab reer Israa’iil ah. Taas bay Carabtu wada aqbalaysaa. Heshiisyadii ganacsi ee Maraykanku dunida la lahaa inta hadhay badankeeda wuu ka baxayaa, awood sheegasho cad buuna ku socodsiinayaa danaha uu dunida la lee yahay.

Kaalinta hay’adaha QM iyo samafalku waa ay sii yaraanayaan. Maraykanka iyo Shiinaha murankoodu wuu xumaanayaa, waxaana badanaya go’aannada cunaqabataynta ah ee Shiinaha la saarayo. Maraykanku wax uu isku dayi doonaa in uu soo ururiyo awoodda dhaqaale ee baahday ee Shiinaha, laakiin ku ma guulaysan doono ee wuu sii durkayaa dhaqaalihiisuna kor buu u sii kacayaa, horumarka gudaha ayaana taa xoojinaya.

Marnaba Trump wax dagaal ah oo toos ah gali maayo, wax ay se u badan tahay in uu meelo ay Afrika ka mid tahay fidnooyin waaweyn ka abuuro si Shiinuhu faraha u ga ga gubto.

Haddii Trump soo noqdo dhankeenna wax ay noqonaysaa afar sano oo aynnu illowno in quwad Maraykan la yidhaahdaaba dunida ka jirto. Shar iyo khayr toonna ka ma arki doonno kolka la ga reebo ciidamadiisa cirka oo muddadiiba mar halkan iyo halkeer samada ka soo duqeeya Shabaab oo dad rayid ahi ku dhintaan.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee uu inna la yeelanayaa wax uu ku ekaanayaa inta u gu yar.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media