(Ankara) 02 Nof 2020 – Dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa Turkiga uga tacsiyeeyey dhul-gariirka culus ee ku dhuftay xeebaha Badda Aegean gaar ahaan Izmir, kaasoo ay ku dhinteen 39 qofood halka ay ku dhaawacmeen 900 oo qofood.
War lagu qoray wargayska ay dowladda isku dhow yihiin ee Yeni Safak ayaa qoray in dalal Afrikaan ihi ay hiillo u muujiyeen Turkiga, wuxuuna ku bilaabay Somalia oo uu MW Farmaajo tacsi usoo diray Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxda kale ee qoraalka lagu xusay waxaa ka mid ah MW Burundi, Evariste Ndayishimiye, midka Chad, Idriss Deby, Danjiraha Cameroon ee Turkey, Victor Tchatchouwo, Safaaradda Ethiopian ee Ankara, Danjiraha Sierra Leone ee Ankara, Kai Samba.
Waxaa sidoo kale tacsidooda la xusay Safaaradda Jabuuti ee Ankara iyo Danjire Jean Bernard Avouma, oo Gabon u fadhiya Ankara, waxayna gebigood sheegeen inay ”dareemayaan xanuunka Turkiga ee dhibaatada uu gaarsiiyey ”dhul-gariirkani.”
Hadalsame Media