(Brussels) 01 Nof 2020 – Degmo ka tirsan caasimadda Brussels ayaa shaqadii ka joojisey macallin ardayda tusay sawir kartuun ah oo lagu xumaynayo Nabi Muxamed (NNKH), mar ay u sharraxaysey isla macallinkii Faransiiska ahaa ee loo diley isla sababtaas.
Macallinka oo ka shaqeeya degmada Molenbeek, ayaa ardayda tusay isla kartuunkii uu sameeyey wargayska dood dhaliska ah ee Charlie Hebdo mar uu ka hadlayey dilkii Samuel Paty.
“Go’eenkeennu wuxuu ku salaysan yahay xumaanta sawirka, xitaa haddii qofka laga sameeyey uusan ahayn Nabi Muxamed (NNKH) waan joojin lahayn,” ayuu yiri afhayeenka degmada Molenbeek oo tilmaamay in ardayda sawirka la tusayey ay u dhaxeeyeen 10-11 sanadood.
Macallinka Faransiiska ah ee Paty ayaa qoorta laga jaray 16-kii Okt., isagoo lagu qalay Conflans-Sainte-Honorine, oo ka yara baxsan Paris, waxaana diley wiil Chechen oo ardayda ka mid ahaa.
MW Faransiiska ee Emmanuel Macron oo dhacdooyinka bansiin kusii shubay ayaa shalay waraysi debecsan siiyey Al Jazeera, waloow uusan weli bixin raalli gelin toos ah, waloow aysan sax ahayn in dad rayid ah loo dilo arrintaas sida kuwii lagu laayey kaniisadda, taasoo ay cambaareeyeen Muslimiinta Faransiisku.

Hadalsame Media