(Lagos) 21 Okt 2020 – Dad badan oo ka dibad baxayey arxan darrada Booliiska Nigeria ayaa dad badan waxaa ka diley isla Booliiska dalkaasi oo dad ku laayey magaalada ugu ballaaran Lagos ee Nigeria.
Dadka ayaa ka dhiidhinaya afduub, baad iyo xoog sheegasho uga timaada booliiska gaar ahaan kuwa loo yaqaan Special Anti-Robbery Squad (SARS). iyadoo uu Barasaabka Lagos uu jidadka soo dhoobay ciidamo xoojin ah oo ah kuwa rabshadaha la tacaala isagoo soo rogey bandow 24-saacadood ah.
Dad goobjoog ah ayaa BBC u sheegay inay tiriyeen 20 mayd iyo ugu yaraan 50 qofood oo dhaawacmay kaddib markii ay booliisku rasaas la dheceen.
Hay’adda Amnesty International ayaa iyaduna sheegtay inay sheegtay dokumentiyo la isku hallayn karo oo xaqiijinaya inay dad badani dhinteen.
Dowladda ayaa ballan qaadday inay baarayso toogashada dhacday, iyadoo marka Lagos laga yimaado sidoo kale bandow la saaray gobollo kale.

Around 2,000 people blocked one of the main highways in the country’s biggest city Lagos, demanding officials make good on an announcement on October 11, 2020, that the federal Special Anti-Robbery Squad (SARS) was being scrapped. (Photo by PIUS UTOMI EKPEI / AFP) (Photo by PIUS UTOMI EKPEI/AFP via Getty Images)
Hadalsame Media