(Washington D.C) 20 Okt 2020 – Dr. Anthony Fauci oo ah dhakhtar yaqaanna arrimaha daafaca cudurrada ayaa wajahaya xaalad adag isagoo dil loogu hanjabey kaddib markii uu dadka ku diray MW Trump oo isaga dusha ka saaray sida liidata ee loo maareeyo faafaha coronavirus.
Ninkan oo sidoo kale ah khabiirka cudurrada faafa ee Maraykanka ayaa ku nool caasimadda Washington D.C. waxaana la arkay isaga oo ay ilaalinayaan ilaalo ka tirsan DF, sida lagu soo qaatay barnaamijka 60 Minute.
Arrintan ayaa waxaa u sabab ah in Dr Fauci uu la kulmay hanjabaado dil ah oo aan kaligii ku ekayne xitaa qoyskiisa loogu gooddinayo, taasoo xitaa gaartey xaaskiisa Dr. Christine Grady.
Dr. Fauci ayaa sheegay in ay hanjabaaddu inta badan isaga ka dhan ahayd, balse Dr. Grady ayaa sheegtay in iyaga oo dhanba ‘la bartilmaameedsado.!
Once an avid runner, Dr. Anthony Fauci, now 79, power walks. Since receiving death threats, he is now accompanied by a security detail. https://t.co/lbtcL5htQS pic.twitter.com/Q3KG0kV0rV
— 60 Minutes (@60Minutes) October 18, 2020

Hadalsame Media