(Hadalsame) 19 Okt 2020 – Ma Dad-kaa kala fiican mise Imaaraatka Carabta kala jeclaaday?
Labadan dekedood ee sawirada ka muuqda waa Boosaaso iyo Berbera, labaduba waxay kuwada yaalaan Marinka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, Istaraajiyada goobta ay dhacaan ayaa usoo waarida in Shirkad laga leeyahay Imaaraatka Carabta ay la wareegto sannadkii 2017-kii, kaas oo lagu sheegay in Malaayiin Dollar lagu maalgalin lahaa.
Berbera, waxay u muuqataa in lahirgaliyey 60% Shaqadii heshiiska sida ay sheegtay Somaliland, soona bandhigtay oo aysan qarsan, waxaana la dhisay dhisme dekedeed heer caalami noqonaya oo ay walaac ka qabaan deriskeeda Jabuuti.
Dadaalka shaqada ayaa ku yimi Isla xisaabtan Mucaarad iyo Muxaafid (Biixi imaanshihiisii Xafiiska DPWORLD wuxuu sheegay in jadwalka la raaco, Haddii kale Heshiiska ay kabaxayaan SL ahaan), dadweynaha oo baraarugsan, iyo Dollarkii horumarinta loo qaatay oo khasnada dawladda lagu shubay.
Boosaaso, iskadaa dhismaha deked cusub, tii ay ka tagtay Xukuumaddii Kacaanka Siyaad Barre ayaa halis ugu jirta in la waayo, dhammaan Marinadii gaadiidka Baddu ka xiran lahaayeen ayaa Ciid buux-dhaafisay, P&O oo katirsan DPWORLD ayaa u haysata qaab u e’eg curaar (RAHMAD).
Dekedii Boosaaso, lama dhisin mucaarad iyo Muxaafid ka hadli karaa majiro, 2 jeer oo madaxdii iskaga dambeysay xukunka Puntland-na dhaqaale ay siisay DPWORLD lama yaqaan wax lagu qabtay!!
Ma hoggaanka ayaa kala fiican Puntland & Somaliland? Mise Carabta u kala hiilisay?


Waxaa Qoray: Faarax Cabdulqaadir Maxamed
Hadalsame Media