(Baku) 18 Okt 2020 – Yerevan iyo Baku ayaa isku eedeeyey inuu midba isagu jebiyey xabbad joojintii aadminnimo ee shalay la gaarey, iyadoo la isku hayo gobolka Nagorno-Karabakh, oo ah mid ay ku badan yihiin Armenian-ku balse ka tirsan Azerbaijan.
Eedahan la isu jeediyey ayaa soo baxay xilli lagu wadey inay qoryuhu aamusaan saacaddu marka ay tahay saqda dhexe (0:00 GMT), iyadoo ay Azerbaijan sheegtay in la duqeeyey magaalada Jabrayil.
Armenia ayaa iyaduna ku doodday in Azerbaijan ay xabbad joojinta jebiyeen laba jeer, iyagoo madaafiic iyo rokotyo ku garaacay bartilmaameedyo kala duwan oo ay ciidankoodu joogaan kuna yaalla Jamhuuriyadda Nagorno-Karabakh, sida ay u yaqaannaan.
Waa xabbad joojintii 2-aad ee aadminimo oo la jebiyo, iyadoo bishan horraanteeda mid kale oo looga gol lahaa in maydka iyo maxaabiista la isku waydaarsado, oo uu Ruushku ka shaqeeyey, ay colaadda joojin waydey, iyadoo ay Armenia sheegtay in ay dhanka kale diideen qorshe ay ICRC waddey oo ahaa in dhaawacyada laga soo qaado furunta hore.
Nagorno-Karabakh ayay dagaalladu kasoo cusboonaadeen bishii Sembembar, iyagoo dib ugu noqonaya 1990-meeyadii oo ay dadka asal Armenian-ka ah ee gobolkan u badani ay dagaal ku qaadeen dowladda Azerbaijan iyagoo gacan ka helaya Armenia.
Overnight the humanitarian truce was maintained in the #Artsakh–#Azerbaijan conflict zone, in general, except for the northern direction from 00:04am to 02:45 am and southern direction from 02:20am to 02:45am when the Azerbaijani Armed Forces used rocket and artillery fire.
— Artsakh Defense Army (@Karabakh_MoD) October 18, 2020
Hadalsame Media