Dibex baxyo Muqdisho ka dhacay & dhibaato cusub oo ay ashtako ka yihiin

0

(Muqdisho) 15 Okt 2020 – Waxaa nasoo gaaraysa in uu dibad bax ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Muqdisho

Dadka dibed baxa dhigay oo u badan Gaadiidleeyda dadwaynaha ee BL-ka, ayaa waxa ay ka cabanayaan dhagxaanta dhowaan lagu jaray Wadada Warshadaha.

Waxa ay sidoo kale ka ashtakoonayaan in lacago ay baad ku sheegeen ay ka qaadaan ciidamada la geeyay koontaroollada cusub, iyaga oo dalbanaya in arrintaa wax laga qabto.

Hay’aadka amaanka oo beri dhowayd dhowr jid dhagxaantii ka qaaday ayaa kuwo hor leh ku gadaamey Jidka Wershadaha iyo meelo kale, taasoo ay dadku ku tilmaameen mid “kud iyo qanje u kala guur ah”.

Hadalsame Media