Sucuudiga oo jac kala kulmay kursi uu ka doonayey gole ka tirsan Qaramada Midoobey

0

(Geneva) 14 Okt 2020 – Shiinaha iyo Ruushka ayaa loo doortay Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM waloow ay Shiinuhu 20% hoos u dheceen marka loo eego 2016-kii, balse Sucuudiga ayaa ku guuldarraystay inuu fadhi ka helo golahan oo saldhigta magaalada Geneva.

Xubnaha Golaha Guud oo 193-xubnood ka kooban ayaa waxay sidoo kale doorteen dalalka  Ivory Coast, Gabon, Malawi, Cuba, Bolivia, Uzbekistan, France iyo Britain, waxaana golahan oo ka kooban 47-xubnood markii 2-aad loo doortay Senegal, Nepal, Pakistan, Ukraine iyo Mexico oo xilka sii hayn doona 3 sanadood oo kale, waloow aan la ogolayn in mar 3-aad oo xiriir ah xilkaa la qabto.

Sucuudiga oo 152 cod helay markii xilkan loo doortay 2016-kii, ayaa haatan helay 90 cod oo qura, waana hoos u dhac gaaraya 40%, halka uu Shiinuhu helay 139 waana hoos u dhac dhan 20% balse kursiga waa heleen. Waxaa labada dalba lagu haystaa doorkooda liita ee xuquuqul insaanka.

Shiinaha ayaa lagu haystaa sida uu u maamulay dibedbaxyadii Hong Kong, halka Sucuudiga lagu haysto waxyaabo ay ka mid yihiin dilkii weriye Jamaal Khasuuqji iwm.

Hadalsame Media