”Xeebeheenna ayay ka qaraabtaan!” – Nigeria oo Somalia eed yaab leh u jeedisey

0
This film image released by Sony - Columbia Pictures shows, from left, Faysal Ahmed, Barkhad Abdi, Barkhad Abdirahman, and Mahat Ali in "Captain Phillips." (AP Photo/Sony - Columbia Pictures, Jasin Boland)

(Lagos) 12 Okt 2020 – Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maaraynta iyo Amaanka Badda Nigeria, Dr Bashir Jamoh, ayaa sheegay in burcad badeed Soomaali ihi ay haatan soo gaareen biyaha gayi  ee Nigeria iyo Gacanka Guinea.

Wuxuu arrintan sheegay mar ay kulan la qaateen Qunsulka Guud ee Safaaradda Korea, Kang Haenggu, iyo Danjiraha magacaaban ee Belgium, Daniel Bertrand, oo booqasho ugu tegey.

“Waxaannu helnay xiriir ka dhexeeya dembiyada ka dhaca xeebeheenna iyo howlaha burcadeed ee Soomaalida,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda NIMASA.

“Taasi waxay ka dhigan tahay inay haystaan agab ay uga kala gooshaan xeebaha Somalia ilaa Nigeria, ilaa xeebaha Galbeedka Afrika. Mararka qaar waxay u degaan berriga oo ay howlohooda ka fuliyaan.” ayay daba dhigeen.

Lama oga inay arrintani jirto iyo in wax looga dhacsanayo labadan dal ee S. Korea iyo Belgium oo kaalmo dheeraad ah u ballan qaaday hay’adda  NIMASA, waayo wax burcad badeed ah oo micne lihi haatan Somalia kamaba jiraan.

Hadalsame Media