Azerbaijan oo hubkii ugu badnaa bishan ka iibsatey Turkiga (Maraykanka, Imaaraadka & dalal kale oo hub badan ka iibsadey)

0

(Ankara) 12 Okt 2020 – Azerbaijan ayaa kaalin libaax uga jirta dalalka hubka ugu badan oo dhanka cirka ah ka iibsada Turkiga, iyadoo bishii tagtay uun iibsatay hub ku kacaya  $77.1 milyan oo doollar (TL 608.5 milyan oo Liire), sida ku cad xogta rasmiga ah.

Hubka guud ee uu Turkigu iibiyey bishii Sebtembar ayaa ku fariisanaya  $16.1 bilyan oo doollar, kaasoo ka dhigan koror gaaraya 4.8% marka loo eego sanadkii hore iyo 28.5% marka la barbardhigo bishii kasii horreeysey, sida lagu qoray Anadolu Agency (AA) oo xiganaysa hay’adda Diiwaangelinta Dhoofka Turkiga (TIM).

Waxaa 1-aad ku jira Azerbaijan waxaana ku xiga Cumaar oo wax ku iibsatey $62.9 milyan, Maraykanka $62.7 milyan, Hindiya $15.6 milyan iyo Jarmanka $14.5 milyan bishii Sebtembar.

Balse, marka la eego dalalka hubka ugu badan ee dhanka cirka Turkiga ka iibsadey 9-kii bilood ee sanadkan 2020 ugu horreeyey waxaa kaalinta 1-aad uga jira Maraykanka $531.1 milyan oo doollar. Waxaa xiga Imaaraadka $127.9 milyan, Jarmanka 123.7 milyan, Azerbaijan $123.2 milyan iyo Hindiya $114.9 milyan.

Hadalsame Media