Aqoonyahan Ingiriis ah oo ka hor yimid in Imaaraadku qabto xilka ugu sarreeya INTERPOL + Sababta

0

(London) 07 Okt 2020 – Aqoonyahan British ah oo horay sababo basaas la xiriira loogu xirey dalka Imaaraadka ayaa ka hor yimid qorshe ay Imaaraadku ku doonayaan hoggaanka Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Matthew Hedges ayaa baaq uu u diray INTERPOL wuxuu ku codsaday inay ka fikiraan in xilka sare loo dhiibo Sarreeye Guud  Nasser Ahmed al-Raisi isagoo ku dhaliilsan sida ay Abuu Dabeey ugu xun tahay xuquuqda aadanaha.

“Haddii Sucuudiga, Ruushka, Shiinaha ama Iiraan ay soo dalbadaan xilka Interpol, waa la cambaarayn lahaa,” ayuu yiri Hedges oo la hadlay Daily Express.

“Bal eeg xorriyadda hadalka ee Imaaraadka, heerka cadaaladda, madax banaanida garsoorka iyo sharci dejinta,” ayuu yiri.

“Haddana Imaaraadku wuxuu ku guulaystey inuu weji qurxoon usoo bandhigo adduunka iyadoo ay ka aamusan tahay beesha caalamku.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media